Baro sagaalka mucaarad & muxaafidka wada LIQAY (Qormo qiime leh)

0
One hand with thumbs up, another with thumbs down. Blue background.

(Hadalsame) 17 luulyo 2018 – Haddii Qof ku yiraa waxaan ahay Mucaarad ha iska Taageerin ee weydii, Mucaaradkee tahay?

1-Mucaarad Jeeb = waxaa ka maqan dhaqaale hadii uu helo wuxuu si toos ah ugu wareegayaa SIM 2 Muxaafad ah.

2-Mucaarad Jago = a) waxaa ka maqan Xil uu dowlada markaa jirto ka rabo. B), waxaa ka maqan xil ka weyn kan dowladu ay siin karto.

3-Mucaarad Jufo = Waxa uu diidan yahay qabiilka Qofka xilka hayo, xatta haddii qabiilkiisa uu yahay, waxa uu diindan yahay JUFA hoosaadka kan xilka hayo.

4- Mucaarad Jiiraan & Jafka=waxaa mucaarad ku shaqeeya Amarka waddamada Jaarka ah, ama kuwa kale oo Jafka degan oo warqad dhalasho iyo dhaqaalba ka qaatay.

5-Mucaarad Jigraar/Jikaar = Waa mucaarad Madax adag oo Jigraar un la soo taagan.

6- Mucaarad Jamhuuriyad = Waa mucaarad Raba in la helo Nidaam iyo Jamhuuriyad Somaaliyeed.

7- Mucaarad Jihaad= Waa mucaarad Qaba firkir Diini ah, Rabana in Shareecada lagu dhaqo, laakin Asagu uu wax ku dhaqo, ama cid si gaar ah uu u aaminsan yahay.

8-Mucaarad Juuq laawe=waa mucaarad iska Aamusan, waxa socdana ayna la wanaagsaneyn, waxa soo socdana ka shakisan.

9- Mucaarad Jiritaan= waa mucaarad jiritaankiisa raba, nolol ammaan ah oo uu ku shaqeeysto, ku Ganacsado, wax ku barto, ku Ilma korsado cidii doonta ha hogaamisee.

Lama kala dacaayad yara. Mucaarad & Muxaafadba. ( Fiiri Sawirka: 1 & 2aad). Laakiin Mucaaradku waxa uu jecelyahay in uu dadka nool wax u sheego. Muxaafadkuse waxa uu rabaa, Xattaa in uu Maytada Taageero ka helo. ( F. S : 3aad)

Muxaafad Jajabsade/Juqsiiye = waxa uu ka soo hor jeedaa 9 kan dhamaan, cid kalena wax uma ogola, asaguna kaligii kuma filna Howsha hortaal. ( Shaah shirka lagu yahay ayuu rabaa in uu kaligii shubto) . waa mid isla saxan, shaki badan, Qayba ka mid ah Mucaaradka ayuu jecelyahay in uu soo dhaweeysto. Laakin ma jecla qaarkood sida No. 6,&7.

Madaxdda muxaafadku haddii ay dareemaan xaalada halis ah badanaa ma isticmaalaan Caqli Iyo Aqoon ee waxaa ay isticmaalaan Hub dilaa ah iyo gantaalo Halis ah oo la yiraa D100. ( F.S: 4aad)

Madaxda Muxaafidku Badanaa ma ogaadaan khaladkooda, xaqiiqdana ma wajihi karaan, Madaxa ayey ka qarsadaan. ( F.S. 5aad).

Qore: Yahya Amir

Hadalsame Media