SAWIRRO: SSC Napoli oo dhisanaysa xero tababar oo leh aalado cajiib ah! (Qolal bilaa cufis-jiidad ah oo ku jira)

0

(Napoli) 16 Luulyo 2018 – Madaxwayna SSC Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa ka sheekeeyay qaab dhismeedka xerada tababarka cusub ee Napoli ee Castel Volturno mar uu u warramayay warsidaha subaxlaha ah ee Il Mattino.

“Garoomada tababarka waxaa wehliya, inaan dhisayno qolal qaac iyo sauna leh (waa qolalka la diiriyo si loo dhidido iyo biyaha diirran). Waxaan ku rakibi doonnaa qalab ku kacaya €90,000 oo laacibiinta ka caawin doona inay dhaawacyada kasoo kabtaan, iyagoo ku shaqaynaya qolal aan cufis-jiidad lahayn iyo jacuzi taqeeynaya (biyo diirraan oo badbadaya).

“Waxaa taa la jirta, waxaan u sameeyn doonnaa sineemo marti gelin doonta tartamada ciyaar-gacmeedka (video games) laguna daawan doono aflaamta.” ayuu yiri De Laurentiis.

Hadalsame Media