RASMI: Dukaanka Apple Store oo Muqdisho laga furay + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Luulyo 2018 – Waxaa caawa si rasmi ah magaalad Muqdisho laga furay dukaan rasmi ah oo ay sharikadda Apple ku yeelanayso Muqdisho (Apple Store).

Adeegyada uu dukaankani bixinayo waxaa ka mid ah: 1 – Damaanad 2 sano ah. 2 – Adeeg farsamo oo gudaha dalka laguugu sameynaayo iyo qofkii damaadan laga hayo inuu deyn ku qaadan karo iskana yar yareyn karo.

Waxyaabaha dukaankan laga heli karo waxaa ka mid ah dhamaanba agabyada ay Apple soo saarto (Apple products), kuwaasoo iskugu jira Hardware iyo Software sida ay sida ay ku sheegeen bandhig powerpoint ah oo meesha lagu soo bandhigay.

Waxaa kasoo qayb galay marti sharaf ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Boostad iyo Isgaarsiinta Abdirahman Iidaan Yoonis oo furitaanka lagu maamuusay, Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Masar Amb. Tamer Safwat iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo wacdi iyo dardaaran ku furay.

Sawirrada: Abukar Albadri

Hadalsame Media