RASMI: AC Milan oo Jimcaha dheelaysa kulan saaxiibtinnimo

0

(Milano) 16 Luulyo 2018 – AC Milan ayaa ku dhawaaqday kulankeedii ugu horreeyay ee saaxiibtinnimo kaasoo ay Jimcaha soo aaddan oo ay bishani 20 tahay ay la dheelayso kooxda Novara, si ay isu diyaariso fasalka cusub ee 2018-19.

Macallinka Rossoneri ee Gennaro Gattuso ayaa ballansatay kooxdan Piedmontese-ka ah oo ka dheesha heerka 3-aad ee Serie C, taasoo xusuus ku leh taageerayaasha maadaama ay tahay kooxda ay la dheeshay kooxdii ugu dambaysay ee xoog leh oo Milan ah fasalkii 2011-12, oo ay laacibiin badan oo uu Gattuso ku jiro ay hal mar fariisteen.

AC Milan ayaa waxaa haatan maamusha Elliott Management Corporation taasoo Sabtiga soo aaddan qabanaysa kulan lagu dhisayo guddiga maamulaya kooxda, si loo bedelo midkii Shiinayska.

Hadalsame Media