XOG: Muxuu qoonsaday Axmed Madoobe? (Axmed oo shirka ku laabtay)

0

(Brussels) 16 Luulyo 2018 – Wasiirka Dastuurka ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib markii ay DFS iyo Saraakiisha Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka sida uu yiri.

Yeelkeede, waloow loo dhigayo uu Axmed Madoobe ka xumaaday ajendaha shirka oo sida uu yiri ”wax laga beddeley” waxay warar kale oo iminka Hadalsame kasoo gaaraya goobta shirku sheegaysaa in Axmed Madoobe ka xumaaday qaabkii loosoo dhoweeyay oo uu saluugey.

Waxaa la sheegayaa in ay mar qura isla soo degeen madaxwaynaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Madoobe, waxaanay wararku nagu soo gaarayaan in Gaas loo fasaxay qaybta VIP-da, halka Axmed Madoobe ay khasab ku noqotay inuu soo maro qaybta dadwaynaha caadiga ah.

Goortaas ayaa la sheegay in uu Axmed Madoobe u arkay in maqaamkiisa hoos loo dhigay, taasoo keentay inuu ku hanjabo inuu shirka ka baxayo, waxaana la sheegayaa in haatan arrinta la dhameeyay oo uu wefdigiisu ku biiray shirka.

Hadalsame Media