MAQAL & MUUQAAL: Taageerayaal xamaasadaysan oo Ronaldo J Medical kusoo dhoweeyay

0

(Torino) 16 Luulyo 2018 – Jookarka rere Portuguese ee Cristiano Ronaldo ayaa haatan caafimaadka u maraya kooxda Juve, isagoo yimid Juventus Stadium, isagoo ku wajahan qaybta J-Medical oo ku taalla qaybta bari ee garoonka.

Waxaa laacibka salaamay kumannaan taageere, waxaana la arkayay isagoo saxiixaya funaanaddiisii ugu horreeysay oo uu sitey taageere yar oo Bianconeri ah.

Arbihii hore ee Real Madrid ayaa marka uu ka dhamaado tijaabada caafimaad, wuxuu kaddib galab gaabkii qaban doonaa shirkii jaraa’id ee ugu horreeyay isagoo ah laacib ka mid ah Old Lady marka ay saacaddu tahay 17:30 aminta maxalliga ah.

Hadalsame Media