Labadaan sababood dartood waxba kasoo bixi maayaan shirka Belgium

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2018 – Prof. Lumumba oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Kenya oo cabirayo madaxda Afrika habdhaqankooda, iyo sida qaldan ee intooda badan u fahamsan yihiin hannaanka dowladnimo ayaa ku sifeeyay in ay yihiin kuwa jecel safarada tirada badan ay uga baxaan dalalkooda iyagoo marti ku noqdo shirar aayaha dalalkooda looga hadlayo.

”Waxa ay jecel yihiin kulamada joogtada ah ee dibadaha kuwaa oo an faa’ido uga soo laaban dadka ay matalaan, hammigooda ugu sareeyo waa in ay sawiro soo gaaln dhowr berri ay maqnaadaan”.

Waxa aan tusaalihiisa u soo qaatay Madaxdii Soomaalida waxa ay wada aadeen Belgium sababta loo aaday ma’ahan dan Afrika ee waa mid Soomaaliya un.

Laba arinba faa’ido ugama imaanayso dalka Shirka Belgium:-

1. Tan koobaad waxba kama duwana kuwii hore oo aan la dib raacin waxa ka miro dhalay qorshayaashii ay ahayd in wax lagu hormariyo, iyo wixii lagu soo heshiiyay.

2. Tan ugu wayn waxa ay tahay in wali caalamka uu dalkeena ka dhigayo mid ay qataro waa wayn ay ka jiraan, oo aan madaxda Soomaalida wax lagu aamini karin, dalkana la isku halayn karin, sidaana hadhow uu ku hirgali waayo.

Maadama caqabadahaas ay ku hor gudban yihiin ugu yaraan yuusan fulin, waxaa habooneed in dalkeena lagu qabto, si ay meesha uga baxdo waxa dalka laga aaminsan yahay oo ay jirto kali ah dhaliisha madaxda oo an isbadal dhinacyada hormarineed ah wali gaarin heerkii la rabay.

Sidii Shirkii London, aan waxba looga soo aadin ayuu kanna noqon doona, ee madaxda bal Soomaalida ha soo booqdaan oo ha uga sheekeeyaan xaaladaha dalka ka jira.

Qore: Ibrahim H Adam

FG: Maqaalkani wuxuu xambaarsan yahay ra’yiga qofka ku saxiixan, balse daruuri ma aha inuu ka tarjumayo midda Hadalsame.

Hadalsame Media