DAAWO: Tababar lagu baranayay maaraynta musiibooyinka oo MUSIIBO keenay! (Geeri ka dhacday)

0

(Tamil Nadu) 16 Luulyo 2018 – Gabar 19-jir ah oo dhiganaysay kulleejo ku taalla gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya ayaa nafteeda ku wayday layli loo sameeynayay sida wax loo badbaadiyo, kaddib markii uu dabaqa labaad kasoo tuuray nin tababar siinayay.

Shilkan naxdinta leh oo ka dhacay kulleejo la yiraahdo Coimbatore ayaa yimi xilli lagu jirey layli ku aaddan sida musiibooyinka loo maareeyo, sida dabka iwm, kaasoo ay isla kulleejadu soo agaasintey, isla markaana ay ka qayb qaadanayeen 20 arday.

Sida muuqaalka ka muuqata, gabadha oo ka laba labaynaysay bootinta jeer ay hoos u taagnaayeen ardayda kale oo maro wayn oo adag u balfinayay, ayaa waxaa iyadoo aan diyaar ahayn si nacasnimo ah usoo tuuray nin sheeganayay inuu tababar bixiyo, waxayna deeto iyadoo kala socota madaxa ku dhufsatay boordaha dhismaha, kahor intaysan ku dhicin dargadii loo sameeyay. Waxaa loola cararay isbitaalka, iyadoo markii la geeyayba mayd ahayd.

Maamulka gobolka ayaa xabsiga dhigay ninkan oo 31-jir ah oo lagu sheegay G. Arumugam, oo lagu haysto dil kama’ ah, waxaa ka daran in uu sheeganayay inuu ka socdo hay’adda qaran ee Maaraynta Masiibooyinka ee National Disaster Management Authority (NDMA), balse sida uu qorayo The Hindu ninkani waa beenloow tan iyo 2011 sidaa lacago uga qaadanayay hay’ado waxbarasho.

Ninkan ayaa soo sameeyay ilaa 1,500 oo layli oo sidan oo kale ah, wuxuuna haatan ku jiraa xabsiga, halkaasoo uu baaqi ku ahaan doono tan iyo 27-ka bushan Luulyo, inta la diyaarinayo eedaha ka dhanka ah.

Hadalsame Media