DAAWO: ”Si wanaagsan buu kulanku ku dhacay” – Trump oo hadlay kulankii uu Putin la yeeshay!

0

(Helsinki) 16 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa kulankii muddada dheer la sugayay ee uu mar dhowayd la yeeshay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin mid “si wanaagsan ku bilaabmay,” kaddib laba saacadood ka badan oo ay is hor fadhiyeen. Halkan ka DAAWO.

Trump ayaa warkan sheegay kaddib markii ay wada ”qadeeyeen” Putin iyo kaaliyayaashiisa, taasoo ka dambaysay kulanka khaaska ah ee dhexmaray.


Kahor kulanka Putin, Trump wuxuu sii sheegay in Ruushka iyo Maraykanka oo Helsinki ku kulansani ay yeelan doonaan wax uu ku tibaaxay “xiriir qayrul caadi ah,” waloow ay caqabdo jiraan, isagoo ku daray “waxaan qabaa inuu adduunku doonayo inaannu is fahamno.” Taa kahor wuxuu Trump warbaahinta u sheegay inay ka wada hadleen “wax kasta min millateri ilaa gantaalo ilaa Shiinaha.”


Kulankan ayaa qabsoomay tiiyoo uu mucaaradad kala kulmayo dhamaanba labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, jeer ninka baaraya saamaynta ay Ruushku sida lagu eedeeyay ku yeesheen doorashadii Maraykanka, Robert Mueller, uu dacwo kusoo oogey 12 qof oo Ruush ah oo ku eedaysan inay ”jabsadeen” xogo xasaasi ah, waloow la sheegay inay taasi dhacday xilligii Obama.

Hadalsame Media