DAAWO: Maxaa dhici lahaa haddii Facebook laga dhigo goob caadi ah?

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2018 – Dadka adigoo aan aqoonin waxa aad ka bi’isay Facebook kugula colloobaya ama dagaal bisadeed aan la fahmin kula gelaya ayaa isa soo taraya.

Sida ay muujinauso daraasad la sameeyay 2012 waxaa maalin kasta Facebook ku dirira 15% dadka waawayn ah iyo 22% da’yarta ah (teens), dagaal keena in ay xitaa is gooyaan dad asxaab ku ahaa nolosha caadiga ah, sabab inta badan aan micne ku fadhiyin.

Waxaa dheer 3% dadka waawayn ah iyo 8% da’yarta ah ayaa sheegay in dagaalka Facebook oo isu rogo mid dhab ah oo toos la isu dagaalo, kaddib marka lagu kala go’o Facebook ama la isku maago/caayo.

Soomaalida dhankeeda, dad badan oo ku qalabaysan ra’yi iska sii diyaarsan oo aanu qofku u baahnayn inuu baaro ama beddelo ayaa wuxuu keenaa inuu iska xagxagto qof uusan xitaa aqoon toos ah u lahayn, waxaa sidoo kale aad u yar in lakala saaro qofka iyo moowduuca laga hadlayo, moowduuca iyo aqoonta loo leeyahay iyo xitaa xaqa uu qofku u leeyahay inuu lahaado ra’yi ka duwan midkaaga, iyadoo aan la isku xad gudbaynin.

Dad badan ayaa isku daya in ay sumcad dil ula kac ah ku sameeyaan qofkii iyaga ka ra’yi duwan, taasoo aan keenaynin natiijada uu qofkaasi ka raadinayo, balse dhalinaysa inuu iska ciddiyaysto qof uusan wax gar ah ku haysan. Waxaa sidoo kale FB aad ugu badan ismaandhaafka lagu kala duwan yahay qofka iyo waxa uu ujeedkiisa saxda ihi yahay.

Haddaba, halkan ka daawo muuqaal laga meteley murannada bilaa micnaha ah ee Facebook, kaasoo cinwaan looga dhigay ”waxa dhici lahaa haddii Facebook laga dhigo goob caadi ah”.

Hadalsame Media