XIDDIG XAKAAR MARAY: Markii uu 6-jir ahaa awoowgiina waa la khaarajiyay isna waa la qixiyay + Sawirro (Qaybtii 2-aad)

0

(Modrici) 15 Luulyo 2018 Geerida awoowgii jug xun oo niyadeed ayay u gaysatey Modric, waayo waxaa korinayay Luka Modric Snr, sababtuna waxay ahayd waalidkii Stipe iyo Radojka waxay waqtiyo dheer ka shaqaynayeen wershad isku nudda dharka iyo waxyaabaha kale si ay cidda uga taageeraan dhanka dhaqaalaha.

Halkan ka aqri qaybtii 1-aad…

Kaddib dhacdadan dhabanna hayska leh, waalidkii waxaa khasab ku noqotay inay ka qaxaan tuulada Modrici waxayna magan galeen Hotel Iz oo ku yaalla Zadar, kaasoo u shaqaynayay kaam qaxooti ahaan.

Biyo iyo koronto toona ma lahayn, waxa kaliya ee si fiican loo helayay waa daryanka madfaca iyo jabaqda rasaasta oo maalinlayaal ahaa, taasoo ay marti u ahaayeen Luka yare iyo walaashii Jasmina, haba sheegin miinooyinka dhulka daadsan oo uu qofku baylah u yahay marka uu bannaanka u boxo.

Yeelkeede, taasi wiilkaa yar kama celinin inuu kubadda ciyaaro, isagoo barxadda hoteelka ku dheeli jirey banooni aarya baxsan, kuna riyoonaya inuu maalin uun ka boxo xaaladda nasiib darrada ah ee uu ku sugan yahay.

Waxay ahayd qiso muujinaysa sida uu faqriga uga faraxashay laacibkan afarta jeer ku guulaystay koobka la jecloow ee Champions League, isagoo muujiyay sida ay uga go’nayd inuu heerkan gaaro kaddib masiibadii heerka qoys iyo qaran ahayd ee ku habsatey.

Modric inta badan arrintan kama sheekayn jirin, balse markii uu 2008 ku biiray kooxda Spurs, ayuu shirka jaraa’id ku taabtay. “Markii uu dagaalka sokeeye bilowday qaxooti baan noqonnay, runtiina aad bay u adkayd,” ayuu yiri Modric.

“Waxaan ahaa 6 sano jir, ay noloshu cariiri ka gashay. Si fiican ayaan u xusuustaa, balse waa wax aanu qofna jeclayn inuu xusuusto ama ka fikiro.

“Waxaan sanado badan ku noolayn hoteel laga qaxay, xaaladda dhaqaalena way nagu adkayd, balse had iyo goor waan jeclaa kubadda cagta. Waxaan xusuustaa in shansha ilaaliskii ama baasajeerigii iigu horreeyay uu ku sawirnaa laacibkii reer Brazil ee Ronaldo runtiina aad baan u jeclaa” ayuu yiri Modric.

La soco qayb 3-aad…

Hadalsame Media