”Halla mamnuuco heesta ”It’s Coming Home!” (Sabab?)

0

(London) 15 Luulyo 2018 – Graeme Souness ayaa macallinka Ingiriiska ee Gareth Southgate ugu baaqay inuu xiriirka FA ka codsado inay mamnuucaan heesta ‘Football’s Coming Home’.

Heesta Three Lions, oo ay sameeyeen Baddiel iyo Skinner isla markaana hit noqotay 1996-kii, ayaa xagaagan boorka laga jafay, kaddib markii uu Ingiriisku gaarey nus-dhamaadka KA2018, kaddib 28 sano, taasoo sare u kicisay filashada jamaahiirtooda.

Yeelkeede, Souness ayaa rumaysan in heestaasi ay kiciso kooxaha la dheelaya Ingiriiska, in ka badan inta ay u tarto xulkooda.

‘Haddii aan ahaan lahaa Gareth Southgate, marka aan xiriirka u qorayo warbixintii KA2018, waxa ugu wayn ee aan ku qori lahaa waa inaan xiriirka FA ka dalbado inaysan marnaba ogolaanin in heesta Football’s Coming Home, laga maqlo tartan wayn oo caalami ah’, ayuu Souness u sheegay The Sunday Times.

Hadalsame Media