FRANCE VS CROATIA: Wax kasta oo aad uga baahan tahay final-ka Koobka Adduunka

0

(Moscow) 15 Luulyo 2018 – Waxaa galab gaabkan masraxa magaalada Moscow loo sallaxayaa labada xul ee France vs Croatia, oo ay mid kastaahi doonayso inay midigta saarto koobka ugu muuqa wayn kubadda cagta caalamiga ah, kaasoo lagusoo afjari doono gegada Luzhniki Stadium ee Moscow.

Didier Deschamps, oo kabtan u ahaa xulkii koobkan qaaday 20 sano kahor, wuxuu doonayaa inuu koobka isagoo macallin ahna u qaado Les Bleus, sida Mario Zagallo, halka Croatia oo soo gaartey heerkii ugu sarreeysey kubadda caalami ay lafteedu han u leedahay hardankan.


France oo soo martay jid ka yara qodxo badnaa midka Croatia waxay soo dardartay Argentina, Uruguay iyo Belgium, halka Croatia waloow dhanka warqadda loo arki karo mid ka dhib yarayd misna waqtiga dheeriga ah la gaartey Denmark, Russia iyo England.

Labadan xul ayaa KA1998 isku aadey nus-dhamaadkii waxaana 2-1 ku adkaaday France oo 10 nin ahayd, waana sanadka ay koobkan qaadeen, waana sabab Croatia loogu arki karo koox aarsi doon ah, waloow fooska laga xigo xitaa kulankan.

KULAMADII HORE

  • Luulyo 8, 1998 FRANCE GUUL 2-1 (1998 World Cup)
  • Nofeembar 13, 1999 FRANCE GUUL 3-0 (Sxbtinimo)
  • Maajo 28, 2000 FRANCE GUUL 2-0 (Sxbtinimo)
  • Juun 17, 2004 BAREEJO 2-2 (Euro 2004)
  • Maarso 29, 2011 BAREEJO 0-0 (Sxbtinimo


SAFAFKA LAGA YAABO

France (4-3-3): Lloris; Pavard, Varane, Umtiti, Hernandez; Pogba, Kante; Mbappe, Griezmann, Matuidi; Giroud

Croatia (4-3-3): Subasic; Vrsajlko, Lovren, Vida, Strinic; Modric, Brozovic, Rakitic; Perisic, Mandzukic, Rebic

Hadalsame Media