FRA VS CRO 4-2….Faransiiska oo noqday HORYAALKA ADDUUNKA + Sawirro

0

(Moscow) 15 Luulyo 2018 – Xulka Faransiiska ayaa markiisii 2-aad hantay Koobka Adduunka 20 sano kaddib, markii uu 4-2 uga badiyay dalka Croatia final-ka KA2018.

Xulka Faransiiska oo goolka ku hormaray ayaa waxaa bunisyoon ay soo tuureen madaxa ku taabtay Mandzukic oo u safta Croatia, waxaase ka daba tegey Perisic, balse Faransiiska ayaa markale hoggaanka ciyaarta kusoo laabtay kaddib markii ay ka faa’iidaysteen koorno laga fursan karey oo uu keenay Vida oo rigoore ka dhashay uu dhaliyay Griezmann.

Faransiiska oo ka faa’iidaysanayay khaladaadka Croatia oo waaya aragnimo la’aan gacmeheeda isku toogatey ayaa waxaa goolkii 3-aad u dhaliyay Paul Pogba, kahor intaanu kii afraad ka dhalinin Kylian Mbappe, waloow ay Croatia oo markeedii ugu horreeysey ka macaashtay khaladka Faransiiska uu hal gool kasoo jaray Mario Mandzukic.

Hadalsame Media