Faysal C Waraabe oo lagu arkay shirka Somalia & beesha caalamka

0

(Brussels) 15 Luulyo 2018 – Wariyayaal jooga shirka Brussels ayaa soo sheegaya in maanta safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub uu soo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid uuna dajiyey hotelka ay daganyihiin wufuuda Soomaaliya ee shirka u jooga Brussels

Brussels ayaa waxaa ka furmaya shir ay joogaan madaxda dawladda Soomaaliya ee uu ugu horeeyo  Madaxweynaha DFS  farmaajo iyo kuwa Mamul-goboleedyadda si ay uga qeyb galaan Shirwweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo Beussels.

Kulankaasi  Caalamiga oo socon doona muddo 2 maalmin ah waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha taageeraadda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale.

Feysal C Waraabe ayaa ilo ku dhaw dhaw safaarada u sheegeen Dalsan inuu ka mid yahay martida shirka ku casuuman ee rasmiga ah isaga iyo xubno ururada bulshada rayidka Somaliland ah .

Kulanka Brussels  waxaa looga hadli doonaa Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka iyadoo aysan Somaliland si rasmi ah qeyb uga aheyn ayaa waxaa ay u muuqataa in lagu casuumo magaca Somaliland oo wali Soomaaliya qeyb ka ah.

Xigasho: Radio Dalsan

Hadalsame Media