”Faransiis ma badin ee waxaa badisay AFRIKA” – Baraha bulshada Talyaaniga

0

(Roma) 15 Luulyo 2018 – Baraha bulshada Talyaaniga ayaa cirka isku shareeray kaddib markii ay Faransiisku hanteen Koobka Aduunka 2018, waloow aysan jirin colaad gaar ah oo ka dhaxaysa labada dal, misna waa caqliyad cunsuriyadeed.

Min Facebook, Twitter, ilaa Instagram (oo sanadihii dambe noqday madal lagusoo bandhigo nacaybka iyo cunsuriyadda) ayaa isla dhamaadkii ciyaartii ay Faransiisku 4-2 uga adkaadeen Croatia waxaa ka socdey halku dheg ah: “Africa ayaa badisay, ee Faransiis ma badin”.

Xulka Faransiiska ayaa waxaa ka muuqdey laacibiin badan oo madow ah oo la siiyay dhalashada Faransiiska sida dhaqanka u ah xulka dalkaasi, (sidoo kalena ah raad muujinaya sida Afrika loo gumaystey) balse kubad ahaan lagu sheego is dhexgal heer sare ah.

Dadka qaar ayaa arrinta u adeegsanayay dhanka kale iyagoo soo qoraya: ”Yaa u sheega Salvini (wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga) inay Afrika badiso”, maaddaama uu isagu aad ugasoo horjeedo soo galootiga.


Hadalsame Media