Dib u dhacyada ay sababtay colaadda Tukaraq oo lasoo bandhigay + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Luulyo 2018 – Waxaa shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 13-kii bisha Luulyo 2018 magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu dhaggeystay warbixin horudhac ah oo ku saabsaneyd xaaladaha horumarka iyo dib u dhaca ee waxbarashada, caafimaadka, nabadgalyada iyo isdhexgalka bulshada deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. 

Kulankan oo ka dhacay Hotel SYL, waxaa ka soo qeybgalay xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo siyaasiin hore oo ka soo jeeda gobolladaas, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. 

Madasha oo ay soo qaban qaabisay Bahda Wadaag Community oo ka kooban dhallinyaro ka baxay Jaamacadaha dalka iyo dibedda, u dhaq dhaqaaqeyaal bulsho iyo saxafiyiin isla deegaanka ka soo jeeda ayaa lagu soo jeediyey warbixin xog uruurin oo horudhac u ahayd dhibaatooyinka kala duwan ee gobolllada Sool, Sanaag iyo Cayn ka jira. 

Warbixinta oo ka koobneyd dhammaan mushaakilaadka ka jira deegaankaas ayaa waxaa si gaar ah loo faahfaahiyay dhibaatooyinka ka dhashay colaadda Tukaraq, saamaynta barakaca iyo xaaladaha degdega ah ee ka jira deegaanada colaadda saamaysay. 

Sida xogta lagu sheegay waxaa ku dhintay dagaalka Tukaraq ka bilowday 8dii Janaayo 2018 ku dhintay dad ka badan 250 qof halka ay ku barakaceen in ka badan 12,500 oo qof. 

Taas waxaa dheer in wali deegaanku ay dhiillo collaadeed ka jirto iyadoo aysan jirin wax gargaar bini’aadanimo ah oo loo fidiyay dadka dhibaataysan. 

Dadka ka barakacay deegaanka Tukaraq iyo agagaarkiisa boqolkiiba afartan (40%) waxa ay ka mid ahaayeen dadkii ay aafeysay abaartii sima ee ee Soomaaliya ku dhufatay sanadkii 2016. 

90% oo ka mid ah dadka barakacay ma helaan cunno. In kabadan 80% dadka barakacay ma haystaan alaabta guryahaya, sida alaabta cunada lagu karsado, lagu seexdo iyo dhamaan agabyada nolosha iyo guryaha, mana jiraan wax kaalmo bani-aadanimo ah oo loo fidiyey. 

Waxaa jira in kabadan 121oo xaalado nafaqo daro ah dadkii ku barakacay Dhuumod Jabay, Kurso Dabaley, Faleydhyaale, Garaca iyo Hadhqaboobe. 

Waxaa madasha hadallo ka jeediyey madaxdii ka soo qeybgashay oo ay ku jiraan Xildhibaano sida Cali Axmed Jaamac Jengeli, Canab Xassan Cilmi, Ikraan Yusuf, Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale, Xil Axmed Cali Dubeys, wasiirkii hore ee warfaafinta Professor Cabdikariin Xassan Jaamac, Wasiirkii hore ee ganacsiga Jubbaland Jaamac Fariid . 

Dhammaan mas’uuliyiinta meesha ka hadashay waxa ay ugu baaqeen bulshada deegaanka, dowladda Federalka, hay’ayadaha deeqaha bixiya in ay gar gaar deg deg ah la gaaraan dadka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dhibaatada ba’an iyo colaadaha aafeeyeen. 

Hadalsam Media