DHEGEYSO: Wasiir ka tirsan Galmudug oo beesha caalamka u sheegay inay dhisaan ciidanka badda Soomaaliya

0

(Muqdisho) 15 Luulyo 2018 – Wasaaradda amniga galmudug ayaa sheegtay in soomaaliya ay ku filan tahay ilaalinta xeebaheeda hadii la dhiso ciidan xoogan.

Wasiiru dowlaha amniga goboleedka Galmudug Cabdullaahi Axmed Calasoow oo ku magac dheer Shiine Waxa uu xusay in la dabar jari karo kooxaha burcad badeeda soomaalida islamarkaana nabad galyo lagu mari karo xeebaha soomaaliya…

Waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey shir ay ka qeyb galeen kaasoo oo looga hadlay ladagaalanka burcad badeeda xeebaha soomaaliya, waxaana uu sheegay in wax kastaa ay hagaagi karaan haddii la xoojiyo taageerada dhisidda ciidanka badaha soomaaliya.

Hadalsame Media