DEG DEG: Ronaldo oo ka soo degey magaalada Torino + Waxa xiga (Daawo)

0

(Torino) 15 Luulyo 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa kasoo degey gegada caalamiga ah ee magaalada Torino isagoo dayuurad gaar ah ku joogo si uu berri caafimaadka ugu maro kooxda Juventus.


Laacibka haysta Ballon d’Or ayaa soo caga dhigtay garoonka Caselle Airport ee Torino goor dhow, iyadoo berri lagu wado in warbaahinta loogusoo bandhigo Allianz Juventus Stadium 18:30, kaddib marka  uu caafimaadka ku maro J-Medical.

Ronaldo ayaa imaanshihiisa kusoo beegay jeer lagu mashquulsan yahay daawashada final-ka Koobka Adduunka si uu uga badbaado saxmadda saxaafadda iyo taageerayaasha, isagoo Real Madrid ugasoo wareegay €100m, sanadkiina qaadan doona €30m.


Hadalsame Media