Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya magaalada Brussels

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2018 – Waxaa saaka guud ahaan xiran inta badan wadooyinka muqdisho, iyadoona dhanka kale Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho, waxayna kusii jeedaan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Halkaas waxaa ka fumri doona shir ballaaran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeybgalaya maamul goboleedyada dalka, AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha Soomaaaliya, dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, howlgalka AMISOM iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, ajendaha shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dagaallada Tukarraq iyo sida xal looga gaari karo.

Wixii soo kordha la soco..

Hadalsame Media