Ku dhawaad 50 qof oo ku sumoobay degmada Caabudwaaq

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2018 – Ku dhowaad 50 qof ayaa la soo sheegayaa in ku somoobeen gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dadkaan ayaa habeenkii  xalay ku sumoobay deegaanka Xananbuurre ee hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasoo layaab ku noqotay dadka deegaanka dhibaatadaan dhacday awgeed.

Dadkaan ayaa la sheegay in ay joogeen meel uu ka jiray alla bari, waxaana goordhow halkaas u ambabaxay dhaqaatiir iyo kalakaaliyaal caafimaad oo ka baxay magaalada gaalkacyo, walina wax dhimasho ah lama soo sheegin.

Masuuliyiin Galmudug ka tirsan ayaa inoo xaqiijiyay dhacdadani, waxaana ay sheegeen in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeesay waxa dhacay iyo in kale.

Maahan markii ugu horreeysay oo dad shacab ah oo ay ku sumoobaan gobolka Galgaduud.

Hadalsame Media