“Sidaad adiguba hadda u cabsatay ayaan u cabsaday!” – Nikita Khrushchev

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2018 – Nikita Khrushchev oo ahaa madaxweynihii Midowgii Soofiyeetii intii u dhaxeysay 1953 ilaa 1964 xiligii Dagaalka Qaboobaa “Cold War”, khudbad ayuu ka hor jeediyey Baarlamaanka sanadkii 1956-kii oo isagu yimid kal-fadhigii 20-aad ee xisbiga shuciga waxa uuna ku cambaareeyey khudbadiisa inteeda badan dambiyadii uu galay ninkii isaga xilka kaga horeyey ee Joseph istallin iyo dhibkii uu shacbiga u geystay

Markii hadal jeedintiisu dhamaatay ayaa loo dhiibay waraaq uu soo qoray mid kamid ah xubnihii baarlamaanka oo goobta xaadir ku ahaa waxana ku qornayd sidan:

“Maxaad hadalkaa oga hor oran wayday Joseph Stalin adigoo kamid ah Ragi ugu tunka weynaa ee xisbiga isagana ugu dhowaa.”

Khrushchev inta qoslay ayuu codsaday in ninka warqada soo qoray istaago markii qofna kici waayey ayuu ku jawaabay ” waan baqay sida aad adiguba hada u baqday ”

Runtu, mararka qaar gamban meyso

Nikita Khrushchev, noolaa 1894 — 1971

W; D: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media