Masawir masayr keenay! (Hadalhayn)

0

(London) 13 Luulyo 2018 – axaafadda Britian ayaa aad u hadal heysa muuqaal laga qaaday Trump oo gacanta ku dhagan Mrs May.

Trump ayaa cashadii xalay ka soo muuqday isaga oo gacanta u dhiibaya Ra,isulwasaaraha uu martida u yahay ee Mrs May.

Muuqaalka ayaa muujinaya Trump oo iyo May oo gacmaha isku dhagan xili ay korayeen kaabad roog cas lagu fidiyay oo shan jaranjaro ka ka kooban.

Dadka qaar oo fasiraad ka bixiyay sawirka ayaa sheegaya in Mrs May ay qalootay markii uu gacanta u soo taagay islmarkaana ay ku dhagtay qeybta hore ee farahiisa oo aanay si buuxda sacabka u gelin.

Dadka qaar ayaa sheegaya in uu caawinayay si ay u korto kaabadda maadaama ay sidatay kabo dhaadheer da’duna xoogaa talaabo jilcisay.

kuwa Trump dhaliila ayaa sheegaya in uu ula kac u sameeyay maadaama uu dumarka ku waalanyahay.

Meel sheeda ah waxaa ka eegayay xaaskiisa oo hinaase iyo xishood hoosta eegeysay halka odayga May ay u dhaxdo uu il kulul ku hayay waxa meesha ka socda.

Mohamed Dhoore

Hadalsame Media