Madaxwaynaha Eritrea oo kaddib 22 sano berri ku wajahan Adis Ababa + Sawirro

0

(Asmara) 13 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Eritrea ee Isaias Afwerki ayaa maalinta berri ah oo Sabti ah ku wajahan dalka Itoobiya, wax loo arkay isfaham diblomaasiyadeed oo degdeg ah, si loosoo afmeero mid ka mid ah khilaafyada dhiiglaha ah ee ugu dheer qaaradda Afrika.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa arrintan Twitter-kiisa ku xaqiijiyay, isagoo sheegay in “daafad cusub ku dari doonto ruclaha loogu jiro nabad iyo iskaashi dhexmara labada dal.”

Booqashada madaxwaynaha dal ka mid ah kuwa ugu go’doonsan caalamka ayaa imanaysa kaddib markii uu Dr Abiy Ahmed oo 42-jir ihi uu todobaad dhamaadkii tegey uu dalkiisa ku booqday madaxwayne Isaias kaddib 20 sano oo colaad ah.

72-jirka Isaias ayay booqasho Itoobiya ku tago ugu dambaysay 1996, waxaana lagu wadaa in si toos loosoo celiyo xiriir dhan walba ah oo dhexmara labadan dal oo 2 sano isku lafa jebinayay dagaal ka dhacay xadka labada dal.

Hadalsame Media