Xiddigaha ajaanibta ah ee Soomaaliya ka ciyaara oo war aan wanaagsanayn u soo yeeray

0

(Muqdisho) 12 Luulyo 2018Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kooxaha ka kansalay in xiddigaha ajaanibta ay u ciyaaraan tartanka dalka ku cusub ee Star League.

Koobkaan ayaa waxaa ka qayb qaadan doona lix kooxood kuwaasoo  kaalmaha ugu sarreeya ka soo galay horyaalkii soo dhamaaday ee Somalia Premier League.

Dhamaan kooxaha ayaa lagu war galiyay in tartan dhawaan furmaya aan loo ogoleen xiddig aan dalka u dhalan, taa soo ka dhigan in xiddigaha dalkeena ay fursad wayn heli doonaan.

Afar ka mid ah lixda kooxood ee ka qayb qaadanaya tartankaan ayuu saamayn doonaa go’aankaan mahadaama ay u ciyaaraan xiddigo ajaanib ah.

Jeenyo iyo Elman ayaa ah labada kooxood ee aan wada xiddig ajinabi ah, iyadoo dhanka kale Kooxaha Dekedda, Banaadir, Heegan iyo Horseed ay u diiwaan gashan yihiin dhowr ciyaaryahan aan dalka u dhalan.

Go’aankaan ma saamayn doono tartamada Janeraal Daa’uud iyo Horyaalka, waxa uuna gaar u yahay Star League oo ku cusub dalkeena.

Hadalsame Media