DAAWO: QAYLO DHAAN kasoo yeeraysa Soomaalida ku nool Mooyaale (Dhul-ballaarsiga Oromada)

0

(Mooyaale) 12 Luulyo 2018 – Waxaa isa soo tareeysa wararka xasuuqa ay Oromadu ku hayso Soomaalida dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanka Mooyaale oo ku yaala xadka Kenya iyo Itoobiya?

MAXAA LA ISKU HAYSTAA?

Sida uu nasoo gaarsiiyay qof degaanka ka tirsan, degmada Mooyaale waxay ka tirsan tahay boqolka degmo oo ay Soomalida Itoobiya ka kooban tahay, waxay degmadu ku taallaa meel aad istiraatiji u ah waxaana sanadadii ugu dambeeyey ka socdey mashruuc uu maalgeliyay Bankiga Adduunka kaas oo magaalada looga dhigayo deked qallalan (Dry port) taas oo Itoobiya u noqoneysa meel ay ku kaydsato kana rarato badeecada laga soo qaado Dekada Mombasa ee Dalka kenya. Mashruucas 95% waa uu dhamaadey.

Maadaama magaaladu ay noqon karto mid ka mid ah meelaha ugu istaraatijisan guud ahaan geyiga geeska Africa, waxay Oromadu sanad ka hor bilaabeen dagaal ay gebi ahaanba meesha uga saarayaan Soomalida degan Mooyaale.

Dagaalka oo socdey mudo sanad ah ayaa waxaa si dadban horseed uga ah maamulka kilinka Oromada, Raiisal Wasaarahooda cusub iyo ciidamada militariga itoobiya. Todobaadkan oo dagaalku uu marayo meel qaraar, waxaa lagu diley dhowr boqol oo soomali ah oo isugu jira caruur, haween, maati iyo dad shacab ah.

Ilaa iyo 5000 oo ciidamada dowlada Oromada ayaa lagu soo daad gureeyey oo la dhigey jiida dagaalka kuwaas oo si aan kala sooc lahayn u laayey dhowr boqol oo qof halka 15,000 oo qoys ay ku barakaceen, guryahoodii oo la gubey, hantidoodana la bililiqeystey sida aad ka arkaysaan sawirada.

Waxaa nasiib darro ah in maamulka Soomalida ee Jijiga ay iska indha tireen gumaadka shacabka iyagoo ka gaabsadey gurmad iyo xal u raadin intaba. Hadaba Soomali meel walbo oo ay joogaan waxaan u dirayaa baaq ah inay usoo gurmadaan walaalahooda la xasuuqayo. Beesha caalamka, qaramada midoobey, midowga africa, hay’ada xuquuqul insaanka waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg ah u joojiyaan xasuuqa Soomalida hoos tagta nidaamka Itoobiya. Ayuu qoraalkiisa kusoo koobay ninka warkan qoray.

Hadalsame Media