Juventus oo daqiiqad kasta GADAYSA hal funaanad oo Ronaldo ah!

0

(Milano) 11 Luulyo 2018 – Juventus ayaa la sheegayaa inay ugu yaraan hal funaanad oo wadata magaca Cristiano Ronaldo iibinayso halkii daqiiqaba dukaanka wayn ee ay ku leedahay magaalada Milano.

Laacibka ayaa shalay la xaqiijiyay inuu €112m ku imanayo kooxda Juve, isagoo sanadkii qaadanaya €30m oo euro, balse waxaa hubaal ah inuu kooxda soo gelinayo dakhli badan.

Sida ku qoran TuttoJuve, waxaa durba saf aad u dheer loogu jiraa dukaanka Juventus Store ee magaalada Milano, kaddib markii uu isku dhex dhacay suuqii online-ka ahaa oo uu webkii isku dhex yaacay dadka oo ka batay dartii.

Waxaa lasoo werinayaa in Bianconeri ay celcelis ahaan daqiiqaddiiba iibinaysay ugu yaraan hal funaanad oo Cristiano Ronaldo tan iyo markii dukaanka la furay saaka 10am xilliga maxalliga ah.

Hadalsame Media