(Moscow) 11 Luulyo 2018 – Xulka Croatia ayaa noqday xulkii 13-aad ee usoo baxa final-ka Koobka Adduunka marka laga soo tago hal dal oo dhowr jeer final-ka tegey, iyo dalkii 10-aad ee Yurub ah ee sidaa sameeya.
Croatia oo sidoo kale noqotay dalkii 2-aad ee taariikhda 3 kulan oo xiriir ah waqtiga dheeriga ah gaara ayaa 1-1 90-kii daqiiqo la gashay Ingiriiska oo bilowgii firfircoonaa kaddib ahna dalka sidan oo kale sameeyay 1990-kii.
Xulka England ayaa gool ay laad xor ah ku dhaliyeen helay daqiiqaddii 5-aad kaasoo uu u dhaliyay Kieran Trippier, balse waxaa Croatia u barbarreeyay Perisic daqiiqaddii 68-aad, kahor intaanu waqtiga dheeriga ah u saarin Mandzukic daqiiqaddii 109-aad.
Ingiriisku waa dalkii 2-aad ee 18 kooxood oo iyagoo ciyaarta hoggaaminaya kaambiyo maray kaddibna laga adkaaday, dalka kale waa Talyaaniga oo Argentina ay rigoore ku reebtay nus-dhamaadka Italia 90.
Croatia ayaa sidaa kula ballantay Diiqa Faransiiska oo horay usoo reebay Belgium.
Hadalsame Media