“Waxaa yimid waqtigii waayaha cusub.” – CR7 oo markii ugu horreeysey hadlay!

0

(Athens) 10 Luulyo 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa warqad furan u qoray taageerayaasha Real Madrid taasoo lasoo dhigay webka kooxdaasi, kaddib markii lagu dhawaaqay inuu €105m oo euro kula biiray kooxda Juventus. “Waxaa yimid waqtigii waayaha cusub.”

Wareegista Ronie ayaa deg deg ku dhacday, waxaana la filayaa inuu kooxdiisa cusub caafimaadka u maro maalmaha yar ee soo aaddan.

“Sanadahan Real Madrid, magaalada Madrid, waxay ahaayeen maalmihii iigu farxadda badnaa nolosheeyda,” ayuu qoray laacibka caalamiga ah ee reer Portugal oo Bernabeu ka tegey kaddib 9 sano.

“Waxaan uun idiin hayaa dareen wayn oo ah abaal aan u hayo naadigan wayn, taageerayaasha iyo magaaladan. Waxaan kulligood uga mahad naqayaa kalgacaylka aan ka guddoomey.

“Yeelkeede, waxaan rumaysnahay inuu yimi waqtigii aan furi lahaa waayo cusub oo noloshayda ah, waana sababta aan naadigayga u waydiistey inuu dalabka aqbalo. Waxaan marka qof kasta oo ay ku jiraan taageerayaasheeyda ka codsanayaa, in fadlan la i fahmo.

“Kulligiin waad mahadsan tihiin, dabcan, sidii aan iriba maalintii koowaad ee aan garoonka imanayay 9 sanadood ka hor: Hala Madrid!”


Hadalsame Media