SAWIRRO: Gurigee ayuu Torino ka degayaa Ronaldo? (Ma midkii Zidane?)

0

(Torino) 10 Luulyo 2018 – CR7 ayaa maalmahanba la hadal hayay inuu guri ka raadsanayay magaalada Torino, balse iminka oo la rasmiyeeyay heshiiska uu ugu wareegayo Juventus, waxaa sidoo kale la kashifay guriga uu degi karo, waana mid uu mar degganaan jirey Zidane.

Gurigan oo sidii qasri u dhisan ayaa ku fadhiya 1700 sqm waana guri raaxo oo leh beer wayn oo ku fadhida 44000 sqm, kaasoo ay horay u degganaan jireen cabqarigii reer Faransiis ee Zinedine Zidane iyo daafacii birta ahaa ee Fabio Cannavaro.

Wuxuu aad ugu dhow yahay degaanka madaxwaynaha Juve ee Agnelli iyadoo uu wakiilka caanka ah ee hantida ma guurtada ah iibiya ee Cesare Furbatto uu xaqiijiyay inay ballan qabsadeen: «Waxaa galnay ballan ah inuu guriga soo booqdo oo iska arkot» ayuu yiri isagoo adeegsanaya furbatto.it.

Wuxuu gurigani leeyahay Jacuzzi, Spa, beer wayn, meel bilyaardiga lagu dheelo, fadhi dabshid leh, qolal jiif iyo jikooyin caalami ah.

Hadalsame Media