SAWIRRO: AC Milan oo soo bandhigtay funaanadda 2-aad & KHALAD ku jira!! (Daawo)

0

(Milano) 10 Luulyo 2018 – Kooxda AC Milan ayaa maanta si toos ah u bilowday tababarka ay iskugu diyaarinayso fasal-ciyaareedka 2018-19, waxaana buuxey taageerayaasha Curva Suda, tiiyoo aanu kala caddayn mustaqbalka kooxda ee dhanka milkiyadda.

Gattuso oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay wada joogayaan laacibiinta kooxdu, isagoo sheegay in uu kooxda u diyaarinayo koobka Europa League, waloow laga saaray sanadkan, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay rafcaanka oo laga warsugayo 19-ka bishan.

Kooxda Milan oo u wareegtey sharikadda Puma ayaa sidoo kale caawa soo bandhigtay funaanadda 2-aad ee kooxdaasi, iyadoo 6-dii bishan lasoo bandhigay midda 1-aad, waxaana ka qayb qaatay xiddigaha Bonucci, Calabria, Bonaventura iyo Çalhanoglu oo isaga magaciisa si khaldan loo qoray.

 

Hadalsame Media