”Maraykanoow awalba saaxiibbo badan ma lahayne kuwa kuu dhow ha xumaynin” – Midowga Yurub

0

(Brussels) 10 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Golaha Yurub jaalle Donald Tusk ayaa Donald Trump ugu baaqay inuu xushmad u muujiyo xulufadiisa, kahor kulan madaxeedka NATO, isagoo ku dooday inay haatan saaxiibadu kusii yaraanayaan Maraykanka.

“Dear America, qiimee xulufadaada, si kastaba saaxiibbo badan maba lihide,” ayuu yiri Tusk mar uu saxiixayay bayaanka iskaashiga EU iyo NATO, kahor kulanka Arbacada berri ah ka dhacaya Brussels, halkaasoo ay isaga iyo Jean-Claude Juncker, oo ah madaxa Komishinka Midowga Yurub ay metelayaan EU.

Tusk ayaa yiri Trump waxaad “maalin kasta dhaleecaysaa Yurub” taasina ma aha sida aad ula dhaqmi lahayd saaxiib fiican. “Aalaaba way habboon tahay inaad ogaato cidda kuu ah saaxiib istaraatiji ah iyo midka kuu ah dhibaato istaraatiji ah,” ayuu raacshey.

Trump ayaanse wax wayn kasoo qaadin dhaliisha Tusk markii uu kasoo duulayay Washington isagoo kusoo wajahan Yurub, isagoo iman doona kulanka NATO, kaddibna booqan doona UK iyo Ruushka.

“Ma lihin saaxiibbo badan, balse taa nalookama faa’iidaysan karo.” ayuu yiri Trump.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxwaynaha Maraykanka ee Trump, waxaa isku xumaaday dalalkii dabiiciyan ologga ula ahaa Maraykanka sida Midowga Yurub, Canada iyo Mexico kuwaasoo ah baloogga la isku yiraahdo reer Galbeedka oo badanaa iskugu xiran qaab istaraatiji ah oo dhinacyo badan.

Hadalsame Media