Madaxwayne Farmaajo oo la kulmay Xasan Sh Maxamuud + Sawirro (Maxay ka wada hadleen?)

0

(Ankara) 10 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo ku sugan magaalada Ankara oo looga arrimiyo dalkaasi Turkiga, isagoo ka mid ah 17 madaxwayne oo kasoo qayb geli doona xafladda rasmiga ah ee lagu amba qaadayo Turkiga oo kasoo wareegey hannaanka baarlamaaniga ah una wareegey midka madaxwaynaha.

Madaxwaynaha ayaa halkaa ku arkay madaxwaynihii isaga ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ku sugan Turkiga.

”Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.” ayuu u dhignay war kasoo baxay dhanka madaxwaynaha.

Hadalsame Media