Madaxwaynaha Somalia oo kulan la qaatay ardaysa Soomaaliyeed ee Ankara + Sawirro

0

(Ankara) 10 Luulyo 2018 – Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Ankara ee caasimda dalka Turkiga kulan kula qaatay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee halkaa wax ka barata.

Madaxweynaha wuxuu ardayda uga warbixiyay dadaalada ay waddo Dowladda uu hoggaamiyo, Guulaha ay gaartay & caqabada jira intaba.

Mudane Farmaajo wxuuu aad ardayda ugu guubaabiyay in aan Dowladnimada garab siiyaan oo ay doorka uga aaddan ka qaataano sidii dalku uu cagihiisa dib isugu taagi lahaa.

2-dii maalmood ee ugu danbeeyay wuxuu madaxweynahu joogay Ankara, caadisimada Turkiga, halkaas oo uu uga qeyb gelaayay caleema saarka dhiggiisa Turkiga, mudane Erdogan.

Madaxweynaha & Wafdigiisu caawa ayaa lagu wadaa inay ka duulaan Ankara.

Zakarie Hurre

Hadalsame Media