DHEGEYSO: Xildhibaano codsaday in la xaliyo khilaafka madaxda Galmudug

0

(Muqdisho) 10 Luulyo 2018 – Xildhibaan ka tirsan maamulka galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallo maalmihii la so odhaafay magaalada Muqdisho uga soconayay madaxda ugu sarreeysa Maamulkaas.

Xildhibaan  Cabdirisaaq Sheekh Maxamed oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa xusay in raja badan ay ka qabaan inuu dhamaado khliaafka ka dhex jira weli madaxda ugu sareysa maamulkaas, oo isku maan dhaafsanaa siyaasadda isku dhafka ah ee galmudug.

Waxaa kale oo lais ku hayay awood qeybsiga maamulka sida baarlamaan ka imaanayay Ahlu Sunna, arrimaha dastuurka iyo muddada xil heynta ee hoggaanka Galmudug ayaa sabab ka dhigay.

Si buuxda ayey u sheegeen mudanayaal badan  in ay soo dhaweynayaan dhankooda in la xaliyo khilafkan  soo jiitamayay.

Halkan Hoose Ka dhageyso

Hadalsame Media