DHEGEYSO: Telefoon loogu tala galay arrin xasaasi ah oo lasoo wici waayay!!

0

(Stockholm) 10 Luulyo 2018 – Waxaa aad u yar dadka soo waca telefoon loogu tala galay in wax lagaga qabto xag-jirnimada. Telefoonkan oo cambaarayn ba’an bilowgiiba kala kulmay dadwaynaha ayuu haatan tirakoobku tilmaamayaa in 11 jeer uun lasoo wacay bishii Febraayo oo dhan.

Ku darsoo weliba 11-kaa jeer ee lasoo wacay 2 jeer unbaa la soo hadal qaadday wax ku aaddan xag-jirnimo, balse tiiyoo ay saas tahay misna muhiimaddu waa in dadka ay khuseeysaa ogaadaan inuu jiro khad noocan ah oo ay soo wici karaan.

-Waa run, inay nasoo weceen dad yar waxaana jeclayn dad badan, balse, waxaan u baahan nahay inaan kordhinno dadaallada aannu dadka ku bareeyno, ” ayay tiri Anna Carlstedt, oo ah xiriiriyaha qaranka ee ka hortagga xag-jirnimada gacan ka hadalku wehliyo.

Ola Mattsson oo ah madaxa barnaamijkan u qaabilsan hay’adda badbaadada carruurta ee Rädda Barnen, ayaa sheegay inuu dareensan yahay inay aad u sarraysay filashada ku aaddan inay dad badani kusoo yaaci doonaan wicitaanka telefoonkan, balse wuxuu dhanka kale sheegay inaysan waaqici ahayn in la aamino in bilowgiiba ay dad badani soo wacayaan telefoonkan, isagoo tibaaxay inay wada hadallo muhim ihi dhexmareen sida uu yiri intii yareeyd ee soo wacday ilaa iminka.

Waxaa sanadkan xitaa mar la bedeley magacii khadkan oo awal ahaa khadka taageerada qaranka, balse bishii Febraayo loo bedeley magaca khadka walaaca, waxaana mas’uuliyadda maamulkiisa lagu wareejiyay hay’adda Rädda Barnen, waloow ay kharashkiisa debberto hay’adda qaranka ee ka hortagga xag-jirnimada uu gacan ka hadalku la socdo.

Khadkan ayaa waxaa sanadkii kaliya ku baxa 2.5 milyan oo karoon, taasoo in yar ka badan lacagtii bixi jirtey markii ay gacanta ku haysay Laanqayta Cas, saasoo ay tahayna waxaa socda qorshe loogu kordhiynayo chat line, kaasoo sida cad u baahan in lagu bixiyo lacag kale oo dheeraad ah sida ay sheegtay Anna Carlstedt.

Dhanka kale, tiiyoo ay yar yihiin dadka soo wacay, misna kala bar dadka soo wacay looma jawaabin, kuwii yaraa ee loo jawaabayna si ku filan looma caawinin, waana sababta ka dambaysa dhaliisha khadkan loo jeediyay iyo xitaa magac bedelka lagu sameeyay, iyagoo filaya inuu hadda dad badan soo jiidan doono.

Ugu dambayn, qorshuhu haatan wuxuu yahay in hay’adda badbaadada carruurta ee Rädda Barnen ay khadkan maamusho muddo 10 bilood ah, kaddibna waxaa la qiimayn doonaa xaaladda.

 

Hadalsame Media