DEG DEG: Maareeyihii hey’adda duulista iyo saadaasha hawada oo shaqada laga eryey

0

(Muqdisho) 10 Luulyo 2018 – Qoraal goor dhow kasoo baxay xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa lagu sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in si KMG ah shaqada Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada loogu dhiibay Maareeye kuxigeenka Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo joojintan lagu sameeyay Maareeyaha ay salka ku heyso arrimaha is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha oo isku hayay arrimaha xajka, sidoo kale waxaa socday qorshe la doonayo in dib lagu soo nooleeyo Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliya ee Somali Airlines oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada.

Si kasta shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu xilka ka qaaday wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macalin Xuseen, isagoo xilka Wasaaraddan hayay wax ka yar labo bilood.

Hadalsame Media