DHEGEYSO: Wasiir katirsan wasiirada Soomaaliya oo xilka laga qaaday

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2018 – Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa  xilka looga qaaday wasiirkii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.

Wasiir Xasan Macallin Xuseen ayaa lagu sheegay wareegtada in shaqada laga eryey, iyadoo xilkan si KMG ah u haynayo wasiir ku xigeenka wasaaraddan.

Xasan Macallin oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaan la ogeyn sababta xilka looga qaaday,mana jiraan warar kasoo baxay wasiirka xilka laga xayuubiyey laftiisa.

warqadda xil ka qaadista waxaa wariyayaasha u aqriyey wasiirka warfaafinta soomaaliya.

Halkan ka dhageyso.

Facebook Comments