Dhageyso:- Xildhibaan ka tirsanaa barlamaankii 8-aad oo sheegay in dowladda hadda jirtaa fashilantay

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2018 – Xildhibaan hore Cabdi Barre Jabriil ayaa sheegay in ay jirto habacsanaan xagga amniga ah oo xilligan ka muuqata xukuumadda gaar ahaan laamaheeda nabadgalyada qaabilsan

Su’aalo ayaa laga keenayaa sababta baabuurka qaraxyada laga soo buuxiyay uu ku gaaray xarunta ay ku yaallaan wasaaradaha oo ah dhismaha Otto-otto oo ka soo horjeeda xarunta gollaha sharcidejiyeyaasha ee baarlamaanka dowladda federaalka islamarkaana wax ka yar hal KM ah u jira madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan hore Cabdi Barre Jabriil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jirto habacsanaan xagga amniga ah oo ka muuqata xukuumadda gaar ahaan laamaheeda nabadgalyada qaabilsan iyadoo la kadeedayo dadkii shacabka ah oo waddooyinkii laga xirtay.

Hoos Ka Dhageyso

Hadalsame Media

Facebook Comments