DAAWO: Erdoğan oo si qurux badan usoo dhoweeyay madaxwayne Farmaajo

0

(Ankara) 06 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa gaarey magaalada Ankara oo looga arrimiyo dalkaasi Turkiga, isagoo ka mid ah 17 madaxwayne oo kasoo qayb geli doona xafladda rasmiga ah ee lagu amba qaadayo Turkiga oo kasoo wareegey hannaanka baarlamaaniga ah una wareegey midka madaxwaynaha.

Madaxwaynaha Somalia ayaa waxaa si qurux badan oo maamuus sare leh usoo dhoweeyay dhiggiisa dalkaasi ee Recep Tayyip Erdoğan iyagoo salaan sharaf ka qaatay unugyo ka tirsan ciidamada maamuuska.

Dhacdadan ayaa ku qabsoomi doonta qasriga Madaxtooyada dalkaasi ee Ankara 9-ka bishan Luulyo, halkaasoo lagu dhaaran doono madaxwaynaha dhowaan dib loo doortay ee  Recep Tayyip Erdoğan oo isla maalintaa uu u bilaabmayo xilli-xileedka cusubi.

Waxaa munaasabadda kasoo qayb geli doona madaxwaynayaasha Bosnia iyo Herzegovina, Bulgaria, Georgia, Guinea, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Macedonia, Pakistan, Somalia, Ukraine, Venezuela iyo Zambia sida loo badinayo.

Dhowr Raysal Wasaare iyo dhow nin oo heer wasiir ah ayaa iyaguna xafladda soo xaadiri doona, iyadoo xafladda kaddib uu madaxwayne Erdoğan madaxda u qaban doono casho sharaf rasmi ah.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa madaxnimada ku guulaystey doorasho dhacday 24-kii Juun, isagoo urursaday 52.59 boqolkiiba codadkii la bixiyay.

Hadalsame Media