”Waxaan doonayaa heshiis dhaca” – Rocco Commisso oo weli doonaya inuu Milan iibsado

0

(New York) 08 Luulyo 2018 – Rocco Commisso oo ah maalqabeen asal Talyaani ah balse Maraykan ah, kana mid ah dhowr nin oo lala xiriirinayo iibsiga Milan ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inuu Milan iibsado isagoo la hadlaya La Gazzetta dello Sport.

“Waxaan doonayaa inuu heshiis dhoco, waana ku kalsoonahay oo hadda waxaan u dhownahay heshiis hordhac ah, balse natiijadu aniga iguma xirna” ayuu ku yiri Gazzetta.it

Yonghong Li oo aan weli bixin 32 milyan oo ay ka sugaysay hay’adda Elliott ayaa xaaladda sii cakireeysa iyadoo aysan maanta kala caddayn cidda gacanta ku haysa Milan, balse Rocco Commisso taasi ma walaacinayso:

“Ilaa uu qof kale wax ii sheego, weli Milan waxay gacanta ugu jirtaa Mr Li, mana aqaan Paul Singer, balse la taliyayaashayda ayaa yaqaanna, isna waa ogyahay waxa aan ahay, balse ma qaado ballan aanan kasoo bixi karin“. ayuu yiri Commisso.

Commisso ayaa sheegay inuu aad ugu dadaalayo iibsiga Milan isagoo sheegay inuu doonayo in lasoo nooleeyo Serie A iyo xulka Talyaaniga, isagoo sidoo kale sheegay inuu jecel yahay Gattuso. Gattuso waa anigoo kale, waana jeclahay, tan kale waxaan kasoo wada jeednaa Calabria“. ayuu yiri.

Hadalsame Media