Turkiga Oo Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Wasaaradaha Gudaha Iyo Amniga Soomaaliya

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2018 – Weerarkii sababay dhimashada dad ka badan 10-qof oo shalay lagu qaaday wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga soomaaliya waxaa si kulul uga jawaabay dowladu badan kuwaas o ku tilmaamay mid xun.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaardda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyey weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay deggan yihiin wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaasi, islamarkaana ay ku abuurtay murug, iyaga oo ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey weerarkaasi. “Waxay ahayd arrin nagu abuurtay murugo weerarkii ka dhacay Muqdisho, waxaana ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku dhintey, kuwa dhaawaca ahna caafimaad ayaan Alle uga baryeenaa” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney sii wadi doonaan garab istaaggga shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada. “Waxaa sii wadi doonna inaan garab istaagno shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ah, la dagaalanka argagaxisada si xasilooni loo helo” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hadalsame Media