DAAWO: ”Maraykanku wuxuu noola yimid dhaqan gaangiistar” – Woqooyiga Kuuriya oo furka xoortay!

0
(Pyongyang) 08 Luulyo 2018 – Pyongyang ayaa ka shallaaysay hab-dhaqanka Maraykanka intii uu soconayay wada xaajood ay la yeelatay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Mike Pompeo, oo ay ku eedaysay “wax u eg gaangisternimo” ay Washington ku doonayso inay kaligeed hubka ka dhigto North Korea, kaddib kulan shalay ku qabsoomay Pyongyang.

“Waxaannu Maraykanka ka filaynay… inuu la yimaaddo tillaabooyin togan oo caawin kara in la dhiso kalsoonida iyo shucuurta wada hadalka, yeelkeede, hab-dhaqanka Maraykanka waa mid runtii laga shallaayo,” ayuu u dhignaa qoraal kasoo baxay wakaaladda wararka Korean Central News Agency, oo soo xiganaysa afhayeen aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda North Korea.

“Maraykanku waa khaldameen haddii ay la tahay in sabarka ay muujinayso Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Shacabka Kuuriya uu ka dhigan yahay inay noola yimaadaan dhaqan gaangiistar sidii inay nagu khasbi karaan dalabkooda,” ayuu qoraalka oo sii socda tibaaxayaa.


Waxayna North Korea intaasi ku dartay in Maraykanku uu diley shucuurtii wanaagsanayd ee ka dhalatay wada hadalkii bishii tagtay Singapore ku dhexmaray madaxwayne Donald Trump iyo hoggaamiyaha North Korea ee Kim Jong-un maaddaama ay kaligood dalbadeen inay N Korea si buuxda oo aan laga noqon karin lana hubin karo uga dhigaan hubka Nukliyeerka.

North Korea ayaa ilaa iminka samaysay tillaabooyin ay ku muujinayso inay ixtiraamayso wada hadalka u socda iyaga iyo Washington iyadoo kala furtay matoorradii ku xirnaa meesha ay ku tijaabinaysay gantaalaha, balse waxaa weli saaran cuna qabatayntii Maraykanka, oo dhankoodu kaddib kulankii shalay faafinaya in la is afgartay.


Hadalsame Media