”Jarmanku ma aha Jamhuuriyad MUUS” – Arrin uu sameeyay danjiraha Maraykanka oo muran dhalisay! (Waa maxay Jamhuuriyad Muus?)

0

(Berlin) 08 Luulyo 2018 – Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jarmanka oo awalba dadka dalkaasi uga caraysiiyay hadal uu beri hore sheegay oo ahaa in la farageliyo siyaasadda Yurub iyadoo la taageerayo axsaabta muxaafidka ah ayaa haatan markale biyo kulul ku jira.

Ambasadoor Richard Grenell ayaa waxaa iminka hadal kulul u dhiibey Andrea Nahles, oo ah hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha Jarmaka ee (SPD), oo ka mid ah isbahaysiga wadaagga ah ee xukuma dalkaasi, taasoo u sheegtay in Jarmanku aanu ahayn Jamhuuriyad Muus.

Warkan waxaa soo dedejiyay warbixin sheegaysay in diblomaasigan sare uu wada xaajood qarsoodi ah la galay camaaliqooyinka gawaarida farsameeya ee Jarmanka ah sida BMW AG, Daimler AG iyo Volkswagen AG, kuwaasoo uu madaxdooda kala hadlay inay afkaarihiisa taageeraan kaddibna laga qaado tariifooyinka uu badeecooyinkooda saaray Maraykanku.

Arrintaa ayaa ka daadegi wayday Nahles oo tiri. “Waa wax igu cusub in uu danjire wada hadal noocan ah galo. Waa wajahadaad noocee ah?” ayay tiri iyadoo waraysi siinaysa warsidaha Die Welt am Sonntag.

Nahles ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii uu Maraykanku doonayo inuu la xaajoodo Jarmanka oo uu kala hadlo wax khuseeya kastamada, ay taasi tahay arrin u taalla Xoghayaha Ganacsiga Maraykanka Wilbur Ross iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Tamarta Jatmanka Peter Altmaier. “Jarmanku ma aha Jamhuuriyad MUUS!” ayay cod dheer ku tiri Nahles.

WAA MAXAY JAMHUURIYAD MUUS?

Siyaasad ahaan, waa tibix qeexaysa dal aan siyaasad ahaan ama amaan ahaan deganayn, balse ku tiirsan khayraad xadidan oo uu leeyahay oo uu dibedda u dhoofiyo, sida muuska iyo macdanta.

Dalkee kugu soo dhacay?

Hadalsame Media