Isfaham dhexmara Adis & Asmara + Saamaynta uu ku yeelan karo Somalia

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2018 – Waxaa maanta Asmara ka degay Ethopian PM Aby Ahmed asagaa la kulmaayo President Isaias Afwerki, 20 sano ka dib waa markii ugu horeeysay ee labada dal wada hadal uu dhex maro.

Casimadda Eritrea Asmara waxaa maanta lagu sharraxay calamadda labada dal iyo afafka Axamariga, Tigreega iyo Uromada, dadkana ay aad ugu dabaal degeen imaantinkiisa.

PM Ahmed waxaa uu yiri walaaltinimada labada dal waa mid lama taabtaan ah qolo iska kaaya xigta ma jirto taas awgeed waxaan ku qasbanahay inaan xiriir walaaltinimon mid ganacsi iyo difaacba aan wada yeelano.

Hadaba arinkaan waxay badaleeysaa siyaasadda guud ee mandaqada Geeska Africa, waana mid meesha ka saareeyso baahida ay Ethiopia u qabtay inay hesho furdo kale waayo hada waxay isticmaalayaan Asmara iyo Jabuuti oo kaafin kara baahidooda, waana furdooyin dhisan amaankooduna sugan yahay.

hoogayeey ba’ayeey furdadeeni baa la qaadanayaa, way soo xirantay taas ee adinku dad iska dhiga dalkeeni iyo furdooyinkiina ilaalsada, heshiiya, dowladnimadiina xoojista. Runta waa taas.

Qore: Sheekh Nuur Abuukar Qaasim

Hadalsame Media