Gudoomiyaha baarlamaanka Mahamed Mursal Sheekh oo magaalada Baydhabo gaaray

0

(Muqdisho) 08 luulyo 2018 – Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaa hal;kaas goor dhaw gaaray Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya mudane mahamed musrsal sheekh Abdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminaayo , waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey si weyn .

Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey masuulinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu horkacaayey madaxweyne Shariif Xasan Gudoomiyaha Barlamanka koonfur galbeed mudane Abdikaadir shariif sheekhuna maye.

Guddoomiye Mursal ayaa kulamo la qaadan doona madaxda maamulka inta uu joogo halkaas, waana markii ugu horesay oo uu booqdo magaalada baydhabo Tan iyo Markii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waa safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago magaalada Baydhabo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya tan iyo markii la doortay, waxaana sodcaalkiisu ka dhigan yahay mid uu ku muujinaayo heerka siyaasadda aqalka baarlamaanka dalka.

Hadalsame Media

Facebook Comments