Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland oo tagay Tukaraq

0

(Muqdisho ) 08 Luulyo 2018 – Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaaray deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, waxaana uu socod kusoo bixiyey halkaas.

Wafdiga waxaa ku wehliya guddoomiyaha mas’uuliyiin ka tirsan Somalilnad waxayna u tageen Tukaraq in ay soo in dheeyaan xaaladda deegaanka iyo sida uu yahay.

Guddoomiye Baashi oo ciidamada Somalilnad kula kulmay deegaanka Tukaraq ayaa waxaa uu u jeediyay hadallo dardaaran ah isagoo dhanka kale ugu baaqay Puntland in la qaato nabadda.

Tukaraq ayaa muddo 3 bilood ah waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya Somalilnad iyo Puntland shacabkii deganaa magaalada ayaa is kaga qaxay ka dib markii ay bateen isku dhacyada u dhaxeeya labada ciidan.

Hadalsame Media