Ethiopia iyo Eretrea oo wada gaaray heshiis taariikhi ah

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2018 – Labada hogaamiye ee dalalka Eritrea iyo Ethiopia ayaa yeeshay kulan xasaasi ah kaas oo lagu kala saxiixday heshiis taariikhda galay, kadib markii uu halkaas gaatay manta reysalwasaaraha dalka itoobiya isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey, waxaana uu kulankoodu ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Kulanka hogaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Ra’isulwasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.

Is araga manta iyo heshiiska lagaaray waxaa kamid ahaa in Ethiopia iyo Eritrea wada abuuraan xiriir caalami ah oo ka dagan kii hore, in sidoo kale dal walbaa uu kan kale dib uga furto safaarad gaar ahaan caasimadaha, in dib loosoo celiyo adeegyadii isgaarsiinta ee maqnaa mudada labaatanka sano ku dhaw,iyo in  Ethiopia ay hesho adeegyada dekedaha  Eritrea, iyo qodobo kale kuwaas oo daba socda booqashada taariikhiga ah ee magaalada  Asmara uu ku tagay reysal wasaare Abiy Ahmed.

Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax uga bedelayo siyaasadda gudah iyo dibadda ee dalkaasi.

Hadalsame Media