DHEGEYSO: Indheer-garadka Galmudug oo taageero u muujiyay wax ay ku sheegeen waxqabadka dowladda

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2018 – Waxgarad, siyaasiyiin, aqoonayahano iyo culimaa’udiin kasoo jeeda Galmudug ayaa sheegay inay taageersan yihiin sida ay yiraahdeen waxqabadka dowladda federaalka ah.

Dadkan oo ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay dowladdu wax badan qabanayso, iyagoo si gaar carrabka ugu adkeeyay qorshe ay horseed ka tahay dowladda dhexe oo la doonayo in qaab casri ah loogu dhiso dekedda Hobyo oo ku taalla meel istaraatiji ah.

Waxgaradka kulankan iskugu yimid oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin uu ku jiro senatar Cabdi Qaybdiid, ayaa soo jeediyay in dowladdoo la taageero ay ka mira dhal badan tahay wax kasta si looga wada faa’iidaysto waxqabadkeeda.

Waxaa todobaadkii tegey magaalada Hobyo booqday wefdi ka socdey dowladda dhexe, maamulka Galmudug iyo saraakiil Qadari ah oo qiimayn ku sameeynayay dekedda Hobyo oo ka mid ah dekeddo ay ka dhisayaan dalka. Hoos ka dhegeyso.

 

Xigasho: Somali Cable

Hadalsme Media