DEG DEG:- Kooxo hubeysan oo goor dhow qof Ku dilay muqdisho

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2018 – rag ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhow ku toogtay qof shacab ah agagaarka Dabka ee magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen dad ka agdhow isgoyskaaas oo aanu xiriir la sameenay.

Kooxdii dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsaday waxaana halkaasi gaaray Ciidamada amaanka ee kuwaas oo goobta ka sameeyay howgal lagu baadi goobayo ragii dilkaasi ka dambeeyay, waxaana halka uu dilka ka dhacay ka dhaw saldhigga booliska degmada waaberi .

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in qofka la dilay uu ka mid ahaa ergadii soo dooratay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed, hase ahaatee ma jiraan ilo madax banaan sii si buuxda u xaqiijinaya.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo dilkaan goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

La soco wixii soo kordha.

Hadalsame Media